Sunday, July 17, 2011

CABDIWELI OO KU JAHWAREERSANSAN LOOLLANKA KOOFIYADAHA

Warar ka soo baxayay asbuucan oo dhan magaalooyinka Nayroobi iyo Muqdisho ayaa muujinayay in khilaafkii la saadaalinayay ee u dhexeeyay Madaxwayne Shariif iyo Af-hayeen Shariif Xasan uu cirka isku shareeray kadib markii labaduba ku faragaliyeen Raysal wasaare Cabdiweli Gaas dhismaha Gollaha wasiiradda.
Warar Madaxtooyadda Villa Somalia ka soo baxayay waxay sheegeen in markii hore PMku diyaarsaday golle wasiiro ah oo uu doortay inuu u gudbiyo Madaxwaynaha,  si markaas loogu dhawaaqo. Waxaa la soo warinayaa in Madaxwaynuhu liiskii ka waayay labo wasiir oo saaxiibo dhaw la ah, inuu ganafka ku dhuftay inuu ansixiyo. Labadaas wasiir oo kala ah C/kariim Jama iyo Cabdirashiid Xaashi. Dhinaca kale labadaan wasiir ee Aala-sheekha ah ayaa waxaa si xun ugaga soo horjeeda Madaxwayne Faroole oo sharuud ku xiray inuu la shaqeeyo haddii labadaas nin laga masaxo liiska.
Waxaa la soo warinayaa in tilaabadaas Raysal wasaaruhu uusan jeclaysan,  uuna ku goodiyay in haddii aan faragalinta laga dayn uu is-casilayo.
Dhinaca kale waxaa gedaanta kaga dhegan  Guddoomiyaha Baarlaanka oo PMka caddaadis ku saaray in gollaha wasiiradda loogu daro 3 xubnood oo labo ka mid lagu magacaabay Fowsiyo iyo Burci.

Ilaa xalay ilaa shalay waxaa Villa Somalia ka socday shirar lagu heshiisiinayo Madaxwaynaha iyo af-hayeenka. Isla xalay waxaa la xaqiijiyay in wasiirkii Maaliyadda Muddane Xalane ay seeftii labada shariif la tagtay oo uu waayi doono xilkiisii,  halka la sheegay labadii wasiir ee Aala-sheekha gollaha ugu jiray inay u  dhawdahay inay soo noqdaan. Waxaa kale oo sawirka soo galay in ka soo jeedda Gobolka Geddo oo lagu magacaabo Ina Farruur,  oo Maraykanka Barre ka ah,  oo noqonaya Wasiirka Maaliyadda.
Warar daray ah oo ka soo baxay Muqdisho waxay tibaaxayaan in Dhanbaalo Gaagaaban loogu diray xubnihii guddiga doorashadda Madaxwaynaha iyo Guddoonka baarlamaanka ee uu dhisay kol hore Shariif Xasan, inay berri isagu yimaadaan Xarunta Baarlamaanka.
Waxaa loo fasirtay isagu-yeeridaas xubnaha doorashada inay la xiriirto khilaafkii labadii koofiyadood oo markale cirka isku shareeray. Ama waxay u muuqataa in madaxwaynaha lagu cabsi galinayo inuu doorasho aadi doono haddii uusan joojin faragalinta magacaabida gollaha wasiiradda.
Haddii muranka labada shariif sii socdana waxaa xaqiiqo ah inuu Raysal wasaare Cabdiweli sii niyad jabi doono oo uu markaas dooran doono inuu is-casilo.

No comments:

Post a Comment