Thursday, September 13, 2012
MADAXWAYNAHA CUSUB: XASAN SOO BAXAY!
Waxaa la fadhiyay meel Eastleigh ku taal oo kafeega laga cabo kuna qalabaysan anteeno laga daawan karo shaashadaha Soomaalida, waxaa loo diyaar yahay in si toos ah loo daawado doorashaddii guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Markiiba TVgii aan daawanaynay waxaa ka soo booday xayaysiin olole doorasho oo uu waday mid ka mid ah musharaxiintii doorashadii madaxwaynaha oo xitaa aan waqtigeedii la gaarin.
"War ninkaan nagu soo booday waa kuma?" nin oday ah oo cirro martay ayaa waydiiyay raggii kale.
"War waa nin hadda soo baxay oo aanaan aqoon" ayaa nin dhallinyaro ahi celiyay.
Mid meel gees ka soo jeeday ayaa shaahiisii intuu fiiqsaday yiri, "Xasan baa la yiraahdaa, waana ina Sheekh. Xasan soo baxay u daa!"
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu markii ugu horaysay ka soo muuqday shaashadaha Soomaalida 28/08/2012 maalintii la dooranayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.
Maalintaas Mr Maxamuud wuxuu si xariifnimo ah ula macaamilay TVga Somalichannel oo kaligiis si toos ah u soo gudbinayay doorashaddii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Muuqaaladda Somalichannel soo gudbinaysay ee tooska ah waxaa si joogto ah loogu labayay xayaysiinta iyo olalaha doorashada ee Xasan Sheekh.
Wararka ku dhawaa madaxtooyada Villa Somalia maalintaas xitaa waxay sheegeen inay ka caraysiisay Madaxwayne Shariif oo si toosa u daawanayay Somalichannel.
Runtii Xasan Sheekh xayaysiintii Somalichannel ee maalintaas waxay u ahayd fursad fiican oo bartay Soomaali badan oo aan horay u aqoon, waxay kaloo ahayd baahin muuqaalo xanbaarsanaa ballanqaadyadii uu ku galay doorashada ee loo gudbinayay xubnaha baarlamaanka iyo Soomaalida guud ahaanba.
Soomaalidu markii madaxwaynihii hore ee Sheekh Shariif soo muuqday waxay u baxsheen magacyo badan oo intooda badan muujinayeen xawaaraha uu ku soo galay saaxada siyaasada murugsan ee Soomaaliya . Magacyadaas midka ugu baahsan wuxuu ahaa "Shariif la-soo gamey".
Waxaa 10kii September 2012 soo baxday haddana in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedreaalka ah ee Soomaaliya uu yahay Xasan Sheekh Maxamuud kadib markuu 70% in ka badan kaga guulaysatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Inkastoo Soomaalidu madaxwaynayaashii 7da ahaa ee soo maray aysan midna mar labaad dooran, haddana waxay ahayd doorasho si wayn Soomaalidu u soo dhawaysay maadaama xilligaan xasaasiga dadku u haraadanayeen is-badal ku yimaada xafiiska ugu sareeya ee dalka.
Haddaba su'aalaha miiska soo fuulay durbaba ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh ma yahay oday xilligaan kala-guurka ah ka saari kara dalka fowdada? Odaygu afarta sanno ee loo doortay madaxwaynenimada ma gaarsiin karaa Soomaalida nimaam dowli ah, dibu-dhis, dibu-heshiisiin iyo doorasho dimoqraadi ah oo Soomaalidu qof-qof ahaan codkooda u dhiibtaan?
Haddii inyar aad dib u milicsato taariikh-nololeedka madaxwaynaha cusub waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay aqoonyahan u dhabar adaygay inuusan dalka ka bixin 22 sanno ee dagaaladdii sokeeye. Wuxuu u muuqdaa nin doortay inuu waqtigiisii iyo tabartiisii u hibeeyo nabdaynta iyo waxbarashada wadanka. Waxaa la oran karaa marka sidoo kale hubka ugu balaaran oo uu haystaa waa isagoo haysta khibrad ku saabsan xallinta khilaafaadka maadaama uu ka shaqaynayay in ka badan 10 sanno hay'adda la yiraahdo CRD oo ku hawlan xallinta khilaafaadka.
HAWLAHA HORYAAL MADAXWAYNAHA CUSUB.
Maalinta caleemo saarka ee 16/9/2012 marka madaxwaynuhu fariisto xafiiskiisa hawlaha ugu waawayn ee hor-imaanayaa waxaa ugu waawayn argagixisada, burcad-badeeda,macaluusha dalku u nugul yahay, meelmarinta dastuurkii la qoray dhawaan iyo xallinta maleeshiyooyin iska soo horjeeda oo uu ka dhaxlay nidaamkii Sheekh Shariif.
U malaynmaayo in madaxwaynuhu u babacdhigi karo masiibooyinka dalka ku habsanayay 22kii sanno ee la soo dhaafay, laakiin ugu yaraan madaxwayne Maxamuud waxaa looga fadhiyaa inuu qaacido iyo waddo u falo xallinta dhibaatooyinka dalka haysta oo ay ugu horeeyaan:
Dibu-heshiisiin dhab ah.
Maadaama Soomaalidii kala irdhawday oo qaarkood ku dhawaaqeen inay dalkii ka go'een waxaa madaxwaynaha looga fadhiyaa inuu dhiso guddi qaran oo dibu-heshiineed oo ka shaqeeya sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii ummada u dhexaysay ka hor dagaaladdii sokeeye. Waxaa kaloo laga sugayaa madaxwaynaha cusub inuu soo celiyo deris-wanaagii ay ku faani jirtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dagaalada ka hor.
Dhamaystirka Dastuurka Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhawaan waa tii in ka badan 800 ergay oo Soomaali ah ay ansixiyeen dastuurka federaalka ah laakiin haddana dukumiintigaasi wuxuu u baahan yahay in la hirgaliyo wixii ka dhimana lagu daro. Waxaa muhiim ah in madaxwaynuhu dhiirigaliyo maamul-goboleedyada la rabo inay dhismaan si awooda inteeda badan u aado tuulooyinka iyo degmooyinka.
La-tashiga Maamul-goboleeedyada jira.
Madaxwaynaha Cusub waxaa u fiican sida dastuurka cusub qorayo inuu la macaamilo dowlad-goboleedyada jira sida Puntland iyo Somaliland. Waa inuu odaygu abaaraa waaqiga jira oo ah in wadankii burburay, oo weliba saamayn ay ku timid liifyadii iyo duntii Soomaaliwayn isku xiri jirtay maadaama dalka dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay ay ka dhaceen oo qabaa'ilkii iyo goboladii kala aamin baxeen. Waxaa madaxwaynaha Cusub laga dhawrayaa in sidii shacabka Soomaaliyeed taageerada ugu muujiyeen min Raas-casayr ilaa Raas-kiyaanbooni uu isaguna uusan isku koobin Xamar oo kaliya.
Haddii madaxwaynuhu yareeyo doorka muhiimka ah oo ay leeyihiin Dowlad-goboleedyada waxay noqonaysaa inuu ku dhamaysto xilligiisa maamulkiisa oo dhiig-baxaya.
Bulshadda Caalamka iyo doorkeeda.
Sannado badan "bulshada caalamku" waxay faraha si wayn ugula jirtay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Faragalintaasi inta badan waxay ahayd mid dhib lagu sii kordhinayo dhibta Soomaalida haysata. Dhamaan wadamadii faragalinayay Soomaaliya mid walbaa waxay lahayd dano iyada khaas u ah. Madaxwayne Maxamuud oo la xijinayo aqoon waxaa laga dhawrayaa inuu darso danaha wadankasta oo ajnabi ahi ka leeyahay Soomaaliya, dabadeena si xirfadaysan uu u martigaliyo danaha wadankeena iyo danaha kala jeedda ee shisheeyuhu ka leeyihiin Soomaaliya.
Madaxwaynuhu waa inuu awood u yeeshaa inuu calanka cas u taago danaha shisheeye ee ka hor-imaanaya qorshaha iftiimiya ee dibu-dhiska bulshada iyo nidaamka dowliga ah.
Musuqmaasuqa.
Howsha ugu muhiinsan oo hoggaamin karta nidaam dowlad wanaag leh ayaa ah in madaxwaynuhu marka ugu horaysaba inta uusan dhamaysan 100ka maalmood ee ugu horeeya maamulkiisa, cadaystaa dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadwaynaha. Waa in madaxwaynuhu dhisaa guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa. Waa inuu magacaabaa Raysal wasaare daacad ah oo aqoon leh oo hufan, oo isaguna magacaaba golle wasiiro oo aan lahayn taariikh musuqmaasuq.
Haddaan Soomaali nahay bal aan siino "Xasan soo baxay" fursad inuu hagaajiyo Soomaaliyada duntay koley sannooyin ka dib waan qiyaasi doonaa inuu baal dahab ah ka galay taariikhda Soomaalida iyo in kale.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment