Sunday, July 17, 2011

CABDIWELI OO KU JAHWAREERSANSAN LOOLLANKA KOOFIYADAHA

Warar ka soo baxayay asbuucan oo dhan magaalooyinka Nayroobi iyo Muqdisho ayaa muujinayay in khilaafkii la saadaalinayay ee u dhexeeyay Madaxwayne Shariif iyo Af-hayeen Shariif Xasan uu cirka isku shareeray kadib markii labaduba ku faragaliyeen Raysal wasaare Cabdiweli Gaas dhismaha Gollaha wasiiradda.
Warar Madaxtooyadda Villa Somalia ka soo baxayay waxay sheegeen in markii hore PMku diyaarsaday golle wasiiro ah oo uu doortay inuu u gudbiyo Madaxwaynaha,  si markaas loogu dhawaaqo. Waxaa la soo warinayaa in Madaxwaynuhu liiskii ka waayay labo wasiir oo saaxiibo dhaw la ah, inuu ganafka ku dhuftay inuu ansixiyo. Labadaas wasiir oo kala ah C/kariim Jama iyo Cabdirashiid Xaashi. Dhinaca kale labadaan wasiir ee Aala-sheekha ah ayaa waxaa si xun ugaga soo horjeeda Madaxwayne Faroole oo sharuud ku xiray inuu la shaqeeyo haddii labadaas nin laga masaxo liiska.
Waxaa la soo warinayaa in tilaabadaas Raysal wasaaruhu uusan jeclaysan,  uuna ku goodiyay in haddii aan faragalinta laga dayn uu is-casilayo.
Dhinaca kale waxaa gedaanta kaga dhegan  Guddoomiyaha Baarlaanka oo PMka caddaadis ku saaray in gollaha wasiiradda loogu daro 3 xubnood oo labo ka mid lagu magacaabay Fowsiyo iyo Burci.

Ilaa xalay ilaa shalay waxaa Villa Somalia ka socday shirar lagu heshiisiinayo Madaxwaynaha iyo af-hayeenka. Isla xalay waxaa la xaqiijiyay in wasiirkii Maaliyadda Muddane Xalane ay seeftii labada shariif la tagtay oo uu waayi doono xilkiisii,  halka la sheegay labadii wasiir ee Aala-sheekha gollaha ugu jiray inay u  dhawdahay inay soo noqdaan. Waxaa kale oo sawirka soo galay in ka soo jeedda Gobolka Geddo oo lagu magacaabo Ina Farruur,  oo Maraykanka Barre ka ah,  oo noqonaya Wasiirka Maaliyadda.
Warar daray ah oo ka soo baxay Muqdisho waxay tibaaxayaan in Dhanbaalo Gaagaaban loogu diray xubnihii guddiga doorashadda Madaxwaynaha iyo Guddoonka baarlamaanka ee uu dhisay kol hore Shariif Xasan, inay berri isagu yimaadaan Xarunta Baarlamaanka.
Waxaa loo fasirtay isagu-yeeridaas xubnaha doorashada inay la xiriirto khilaafkii labadii koofiyadood oo markale cirka isku shareeray. Ama waxay u muuqataa in madaxwaynaha lagu cabsi galinayo inuu doorasho aadi doono haddii uusan joojin faragalinta magacaabida gollaha wasiiradda.
Haddii muranka labada shariif sii socdana waxaa xaqiiqo ah inuu Raysal wasaare Cabdiweli sii niyad jabi doono oo uu markaas dooran doono inuu is-casilo.

Wednesday, June 22, 2011

KADIB MR. FARMAAJO MAXAA XIGA?

Sidii la qiyaasayayba Mudane Farmaajo ayaamo waa is-adkeeyay laakiin wuxuu xamili waayay culays isa soo tarayay oo uga imaanayay Museveniga Ugandha,  oo si cid indhaha faraha uga galiyay PMka inuu is-casilo.   Asbuucii dhawaa Museveni wuxuu warqad digniin ah u soo diray Mr Farmaajo oo looga codsaday inuu xilka ka daadego sidii  uu qorayay heshiiskii Kampala.

Dhanbaalkaas amarka ah waxaa loo soo dhiibay Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Milatariga ee Uganda General Nyakirima.
Wararka ka soo baxayay Villa Somalia intuusan is-casilin Farmaajo waxay isku raaceen inuu General Nyakarima sheegay inuusan Muqdisho ka noqonayn ilaa uu qaadayo koobiga warqadda uu isku casilayo Mudane Farmaajo.   Wararku waxay sheegeen oo kale in markii hore uu PMku iska caabiyay cadaadiska Uganda laakiin uu aakhirkii uu u taagwaayay kadib markuu xaqiiqday in Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedku aysan dan ka lahayn haddii Farmaajo is casilo iyo haddii kalaba.
Aakhirkii waxay noqotay in Raysal wasaarihii uu isku-casilo 19/6/2011 shir jaraa'id oo ay wadaqabteen Madaxwaynaha.
Saacado kadib markii uu is-casilay ayaa Muqdisho laga dareemay khilaaf la saadaalinayay oo u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa la isku qabsaday baa la yiri cidda badalaysa Raysal wasaarihii is casilay. Madaxwaynuhu wuxuu u rabaa inuu sii wado xilka Raysal wasaarenimada Prof. Cabdiweli Gaas,  oo bare ka ahaa jaamacad ku taal Maraykanka, halka Shariif Xasan uu rabo inuu booskaas ku fariisiyo Prof. Juriile oo ah saxiibka dhaw ee afhayeenka.

Waxaa la sheegay in mar Madaxwaynaha iyo Afhayeenku ku heshiiyeen in Cabdweli Gaas si rasmi ah loogu magacaabo Raysal wasaarenimada.    Markii loo balamay subaxnimaddii 20/6/11 in meel madal ah Madaxwaynaha iyo guddomiyuhu kaga dhawaaqaan magacaabida,  ayaa si lama filaan waxaa la sheegay in af-hayeenku uga baxay madashii. Dad ka ag dhawaa madasha waxay sheegeen inuu Shariif Sakiin arkay Raysal wasaarihii hore Mr Farmaajo iyo Cabdiweli Gaas oo faqaya, taasi oo cabsi galisay Shariif Xasan in ciyaartii uu ka soo horjeeday aysan waxba iska badalayn.
Habeenimadii 20/6/11 ayaa madaxwaynuhu wuxuu ic-laamiyay kulan uu la yeelanayay xubnaha baarlamaanka uga jira beesha Daarood. Kulankaasi wuxuu dhacay subaxnimaddii 21/6/11, waxaana Madaxwaynuhu u caddeeyay kana codsaday xildhibaanada ka soo jeedda beesha Daarood inay ku taageeraan magacaabida Cabdiweli Gaas.

Loollan badan ka dib,  wararka xalay ilaa saakay ka imaanayay Muqdisho waxay tibaaxayaan in lagu heshiiyay xilka Raysal wasaarenimada, waxaa kale oo wararka ka soo baxaya Villa Somalia sheegayaan in Prof. Cabdiweli Gaas loo magaacbi doono jagada Wasiirka Koowaad maalinta khamiista ah, Haddii aan maskaxda Madaxwaynaha aan waayo-araga ahayn la bdalin daqiiqadaha ugu danbeeya.
Dadka u dhuun daloola siyaasada waxay sheegayaan inuusan khilaafkii Shariifyadu halkaas ku dhamaan ee ay weli isku haystaan tirada wasaaradaha iyo xubnaha gollaha wasiirada. madaxwaynuhu wuxuu rabaa in gollaha wasiirada loo daayo sida hadda ay tahay ama isbadal yar lagu sameeyo halka af-hayeenku ku doodayo in ama la badiyo gollaha wasiirada ama in xilalka wasaaradaha hadda jira la siiyo taageerayaashiisa sida Prof. Juriile, Mr Jengeli iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wednesday, June 15, 2011

LOOLLANKII OO SII XOOGAYSTAY

Sidii dad badan qiyaasayeen waxay noqotay inay ka dhex-tolanto Madaxwayne iyo Raysal wasaare Farmaajo,  oo u muuqday 10 cisho ka hor saxiibo siyaasadeed.   Shirarkii saxaafadeed ee sadexdii maalmood ee la soo dhaafay la isku dhaafsanayay meediyaha waxay u muuqdeen kuwo muujinaya in la isku cadaystay loollan siyaasadeed oo aan la saadaalin karin cidda ku guulaysanaysa.

Magaalada Muqdisho sida la xaqiijiyay waxaa maanta  kulan quraac ah ku yeeshay Madaxwaynaha iyo PMkiisa, kulankaas waxaa dalbaday baa la yiri Madaxwaynaha oo rabay inuu u jeediyo Mr Farmaajo codsigiisii ugu danbeeyay,  oo ah inuu is-casilo.   Wararku waxay tibaaxeen in Farmaajo ku gacan-sayray dalabkii Madaxwaynaha.
Madaxwaynuhu Wuxuu waday kulamo yar yar oo uu la sii yeelanayay beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Caasimada,  bal sidii haddii ay suuragal tahay caddaadis loo sii saari lahaa Mudane Farmaajo.

Waxaa kaloo dhinaca kale ka dhacay Muqdisho maanta kulan PMku la yeeshay ilaa 100 xildhibaan. Kulankaan waxaa lagu tilmaamay mid Raysal wasaaruhu kaga dalbanayay Xubnaha Baarlamaanka in looga danbi-dhaafo hadal deelqaaf ah oo ka dhacay Mr Farmaajo asbuuc ka hor,  mar uu meel fagaare ah ka yiri,  "Baarlamaanka 550 xubnood ah waxay naga rabaan inaanu xitaa kuwa Australia aaday aan lacag halkaas uga daba-gayno,  wax mushaar lama siinayo xildhibaankii aan imaan Muqdisho".
Kulankii maanta uu la yeeshay PMku xubnaha baarlamaanka wuxuu u muuqday mid la isku garaabay oo yara caawiyay Raysal wasaaraha.

Waxaa kaloo Muqdisho ka dhacay shir jaraa"id oo ay soo qabanqaabiyeen Mudanayaal ka tirsan qowmiyada Digil iyo Mirifle,  oo uu horboodayeen Xaabsade iyo Afaraale. Shir- saxaafadeedkaas waxaa lagu duray PMka, waxaana laga codsaday inuu u hoggaansamo shirkii Kampala. Waxaa farta lagu fiiqayaa Shariif Xasan inuu ka danbeeyay abaabulka kulankaas. Shariif Xasan  weli wuu ka aamusan yahay mowqifkiisa wixii ka danbeeyay Shirkii Kampala.   Shariif sakiin oo looga bartay nin sir badan oo taxadar-hadla ayaa joogga Dubai. Dadka aadka u yaqaan waxay leeyihiin Shariifku wuxuu u aamusan yahay inuu xaqiijiyo inay isku bas-beelaan labadii nin ee asbuuc ka hor rafiiqa ku ahaa Siyaasada.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu doonayo inuu ciyaaro kaarkii Cabdulaahi Yuusuf u ciyaaray Mudane Cali geeddi kol hore mar ay sidaan oo kale isku qabteen. Waagaas Cabdulaahi Yuusuf wasiiraddii isaga taageersanaa ayuu ku amray inay is-casilaan si Geeddi meel cidlaa loo joojiyo.
Laakiin maanta Farmaajo Kaarkaas wuu ka digay oo wuxuu xubnihii Baarlamaanka ee la qadeeyay u sheegay in Gollihiisaa wasiiradu yihiin Tiim isku si wax u fahamsan.
Bal aan dhawrno ninka ay la wareegto.

ILLITERATE SOMALI SOLDIER KILLS ALQAEDA OPERATIVE

AP Exclusive: Somali soldier describes killing al-Qaida operative, FBI most-wanted


By Associated Press, Published: June 14


NAIROBI, Kenya — The black Toyota SUV pulled up to the security checkpoint in Mogadishu. It was night, and 22-year-old Somali soldier Abdi Hassan recalls that he ordered the driver to switch the headlights off and the interior lights on.

“They are the elders,” said the driver, referring to the car’s occupants with an honorific name for top leaders of al-Shabab, Somalia’s most dangerous militant group.

“I don’t know the elders,” Hassan said he responded, letting the driver know he wouldn’t be simply waved through the checkpoint.

And thus a routine stop at a checkpoint in Somalia’s capital turned into a shootout resulting in the death of Fazul Abdullah Mohammed, the alleged mastermind of attacks on two U.S. embassies in Africa that killed 224 people. It was described in an exclusive interview on Monday with The Associated Press by Hassan, marking the first time details have emerged of a killing that U.S. Secretary of State Hillary Rodham Clinton called a “significant blow to al-Qaida, its extremist allies, and its operations in East Africa.”

The account given to AP by the young soldier was corroborated by Mogadishu’s deputy mayor for security based on reports of police who were with Hassan at the time. The events as described by Hassan show that while the killing of al-Qaida chief Osama bin Laden was the result of meticulous gathering of intelligence and planning, Mohammed seems to have died because he had the bad luck of running into a government checkpoint manned by a determined soldier.

The driver complied with Hassan’s order and turned on the interior light. Hassan said he looked in and saw a pistol tucked in the driver’s waistband and an AK-47 assault rifle on the lap of the man beside him. That man, authorities later determined after he was already buried, was Mohammed, the mastermind of U.S. Embassy bombings in Kenya and Tanzania almost 13 years ago and the most wanted man in East Africa.

“Don’t move your gun,” shouted Hassan, pointing his weapon at the man with the assault rifle. The passenger shouted as the driver drew his pistol to fire at Hassan, the soldier recalled. But the pistol jammed, and Hassan said he fired 30 bullets, a full magazine from his AK-47, into the Toyota Hilux Surf. Both Mohammed and the driver shot back, Hassan said, filling the air with gunfire. When the shooting stopped the two men in the Toyota were dead.

When the driver referred to “the elders” in the vehicle, that indicated he had at least two passengers. After the shootout, Hassan said he noticed that one of the SUV’s back doors was open, leading to speculation that at least one other occupant may have escaped.

Mohammed, a native of the Comoros Islands, had been on the run for more than a decade with a $5 million U.S. bounty on his head. Hassan said he doesn’t want to spend much time wondering whether he will get that reward, which is not typically given to law enforcement agents acting in the line of duty. The U.S. does not comment on the status of reward offers.

“I’m happy that I killed the troublemaker. Somalis’ prayers and blessings are enough,” Hassan told AP in a telephone interview. “He has caused a lot of trouble in the country.”

Hassan, who said he never went to school, said the Toyota had approached the checkpoint at 9:40 p.m. on June 7. He used the flashlight on his mobile phone to warn the vehicle to stop. The checkpoint has no barriers. The driver could have driven on, but would have risked being fired on from behind. Somalia has been at war for more than two decades, with a barely functioning government. Death is commonplace.

The checkpoint had been in place for a long time, even before government soldiers and African Union peacekeepers began an offensive in January against al-Shabab that has wrested control of many parts of Somalia’s capital from the al-Qaida-linked insurgents .

The death of Mohammed — a man who topped the FBI’s most wanted list for planning the Aug. 7, 1998, U.S. Embassy bombings in Kenya and Tanzania — was the third major strike in six weeks against al-Qaida. The embassy attacks killed 224 people, mostly Kenyans. Twelve Americans were among the dead.

Navy SEALs killed bin Laden on May 2 at his home in Pakistan. Just a month later, Ilyas Kashmiri, an al-Qaida leader sought in the 2008 siege in Mumbai, India, and rumored to be a longshot choice to succeed bin Laden, was reportedly killed in a U.S. drone attack in Pakistan.

After the June 7 shootout, the Toyota sat at the scene for more than eight hours until security agents arrived, pulled the two bodies onto the sandy soil and began searching the vehicle.

“It was commander’s order to wait out until daybreak,” said Hassan.

The bodies were buried, and Somali officials initially said Mohammed was a South African national because he carried that country’s passport. Officials combed through the vehicle. Several mobile phones, four bags of books and documents, three guns, a pistol and knives were found, said Hassan. Officials realized from that evidence that it was Mohammed who had been killed, and they ordered his body exhumed. Somali President Sheik Sharif Sheik Ahmed said the U.S. helped identify Mohammed, whose DNA was sent outside the country for analysis.

Mogadishu’s deputy mayor on security affairs, Warsame Mohamed Joodah, said policemen who were with Hassan told him that Mohammed was killed by Hassan.

“But his killing was a victory for all Somali security forces,” he said.

Hassan’s colleague, Osman Nur Diriye, who first told AP last week about the death of the “South African” national, also vouched for the accuracy. Hassan provided details consistent with what officials later said happened, including the driver being shot in the hand and the discovery of $40,000 in the Toyota. Higher commanders declined to confirm Hassan’s story, saying his whole unit deserves credit.

Gus Selassie, an Africa analyst for the group IHS Global Insight, said it is significant that a Somali soldier, and not U.S. military forces, killed Mohammed. Selassie said the Somali government, known as the Transitional Federal Government, is fighting to win legitimacy among Somali citizens.

“As such, the TFG forces are likely to be boosted by their killing of such a significant international operative, even if they were not initially aware of his identity,” he said.

Monday, June 13, 2011

FARMAAJO TEG!

Raysal wasaare Farmaajo wuxuu kulankii ugu horeeyay ee gollihiisa wasiiradu yeesheen muujiyay inuusan si fudud ku tagayn,  ee ay tahay in Baarlamaanka laga xalaaleeyo heshiiskii Kampala. Waxaa shirkii gollaha wasiirada ka soo baxay dhawr qodob oo kan ugu waaqicisan waqtigaan uu ahaa mowqifka Dowladda iyo PMka ee shirkii Kampala. Dowladu waxay sheegtay in Raysal wasaaruhu is-casili doono haddii qodobada heshiiskaas ay ansixiyaan baarlamaanka aan la isku halayn karin.

Waxaa halkaas ka muuqatay Saalbadii ugu horaysay ee uu u rido Mr Farmaajo,  laakiin jawaabtu wuxay timid markii shalay(12/06/2011) subaxnimadii Madaxwayne Sheekh Shariif shir saxaafadeed ku qabtay Madaxtooyadda Villa Somalia.    Dad aad ugu dhuun-daloola madaxtooyada waxay sheegeen in nus saac ka hor xafiiska Madaxwaynaha uu soo galay Mudane Farmaajo. Kulankaas koobnaa ayaa la sheegay in Sheekh Shariif handadaad iyo weerar afka ah inuu kala hortagay Raysal wasaarihiisa, wararkaasi intaas waxay ku dareen in madaxwaynuhu PMka ka dalbaday inuu si degdeg ah uga baxo xafiiska Madaxwaynaha.
Wax yar ka dibna Madaxwaynuhu shirkii Jaraaid buu qabsaday. Arrinta ugu yaabka badan ee Madaxwaynuhu shirkaas ka sheegay waxay ahayd in Madaxwaynuhu qirtay in isaga iyo Shariif Xasan ay si sharciga ka baxsan u marsiiyeen Mr Farmaajo baarlamaanka markii kalsoonida loo qaadayay. Madaxwaynuhu weerar aan gabasho lahayn ayuu ku qaaday Raysal wasaaraha,  oo uu ku amray inuu u hoggaansamo Shirkii Kampala.
Halkaas waxaa noo kala cadaatay in loollan uu hadda ka dhex aloosan yahay Madaxwaynaha iyo PMka taageerada sii naxuusaysa ka haysta Magaalada Muqdisho.
Xamar waxaa laga soo warinayaa in Madaxwaynuhu Villa Somalia uu ku qabtay 3 shir tan iyo intii uu ka soo noqday Kampala. Shirka koowaad wuxuu la yeeshay urur-diimeedka uu madaxwaynuhu ka soo jeedo ee la yiraahdo Aala-sheekh. Shirkaas wuxuu xertiisa u bayaamiyay inay muhiim tahay inuu kursigiisa badbaadsado,  ayna tahay uu ka taqaluso Raysal wasaare Farmaajo. waxaa la soo weriyay in shirkaas la isku raacay.
Shirka labaad wuxuu Madaxwaynuhu la yeeshay xubno ka tirsan odoyaasha beelaha Hawiye. Waxaa la soo tebiyay in Madaxwaynuhu ku canaantay odoyaasha beelaha inay khalad tahay in Xamar jidadkeeda lagu jeexjeexo masirka Madaxwayne Shariif,   halka wiil ka soo jeedda Geddona lagu dhex wato sawiradiisa Muqdisho. Shirkaas waxaa la sheegay in markii Madaxwaynuhu u isticmaalay Farmaajo Kaarka qabyaaladda inay odoyaashii Shirka joogay  u qashuuceen hadaladii Madaxwaynaha.

Shirka sadexaad waxaa Madaxwaynuha la yeeshay kooxo dhallinyaro ahaa oo laf-dhabar u ahaa banaanbaxyaddii Muqdisho ka dhacay,  ee lagu taageerayay Mr Farmaajo inuusan is-casilin.  Wararka ka soo baxayay Villa Somalia waxay cadaynayeen in dhallinyarada qaarna laga codsaday inay joojiyaan abaabulka banaanbaxyo kale,  qaar dhallinyarada ka mid ahna loogu hanjabay in tilaabo laga qaadi doono, halka qaar kale gacmahooda la mariayay dufan.

Wararka Xamar maanta ka soo baxayay waxay sheegayaan inay istaageen banaanbaxyaddii lagu taageersanaa Raysal wasaaruhu inuusan u debcin  heshiiskii Kampala.
Waxay u muuqataa in waqtigan xaadirka ah mudane Farmaajo ay afka ku soo kala hayso haaddaan aad u wayn oo ay adag tahay inuu ka tilaabsado. Wuxuu dareensan yahay taageerada reer Muqdisho u muujiyeen dhawr beri ka hor inaysan ahayn mid la isku halayn karo, wuxuu kaloo dareensan yahay inuusan ahayn ruug caddaa siyaasadeed oo u babac-dhigi kara mowjadaha qabyaaladeed ee siyaasada Somalia, maadaama uu ahaa nin inta badan Qurbo-joog ah.
Labo wado ayuu mari karaa Mr Farmaajo tan koowaad inuu isa sii adkeeyo dhawrkaan berri ee soo socota ilaa wada-tashi loogu yeero mid ka mid ah caasimadaha wadamada deriska si halkaas uu uga helo formulada karaamo-dhawrka.
Wadada labaad ee u furan Farmaajo waxay noqon kartaa inuu caddaysto loollankiisa iyo mowqifkiisa ah inuusan is-casilayn. Markaas waxaa imaanaysa in  howluhu isku dhalaalaan oo uu yimaado is-marinwaa siyaasadeed oo horseeda jahawareer ku yimaada Dowladda iyo bulshada Caalamka.
Madaxwaynaha xerowga ahna waxay noqon doontaa inuusan ka xishoon inuu oday Axmed Diiriye shir saxaafadeed la qabto oo uu  ka dalbo odayga inuu kor u qayliyo.

Bal aan dhawrno lama saadaalin karee!

Friday, June 10, 2011

CASHARKII MUSEVENI

Maalin ka hor heshiiskii muranka dhaliyay ee Kampala, Yuweri Museveniga Uganda wuxuu Sheekh Shariif,  oo aan lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed,  baray cashar markiiba ka daadagay Madaxwaynaha ahaan jiray Macallin madarasadeedka. Museveni intuu jaleecay dhinicii Sheekh Shariif ayuu waydiiyay in Madaxwaynuhu awoodo inuu doorasho u tartamo ama inuu baarlamaanka Soomaalida Taageero ka heli karo.
Sheekh Shariif si saraaxad leh ayuu ugu jawaabay inuusan u diyaar ahayn inuu tartamo maadaama uusan baarlamaanka taageero la taaban karo  ka haysan.
Markaas buu Museveni qaatay jeestadii iyo sabuuradii oo u sheegay in siyaasadu markay margato la qaato formulada ah "Bixi oo qaado". Wuxuu baray Sheekh Shariif inaysan ahayn inuu meel isaga dheganaado oo ay tahay inuu waxna ka tago waxna qaato oo macnaheedu noqday in loo dheereeyo waqtiga muddo hal sanno ah, halka ay tahay  inuu ku kaarto-baxo Raysal wasaarihiisa Mr farmaajo, oo booskiisa ay tahay in la siiyo taageerayaasha Guddoomiyaha baarlamaan Shariif Xasan.

Sheekhu intuu yara aamusay buu celiyay inuu ka fiirsanayo. Taasi waxay ahayd calaamad muujisay inuu casharkii Museveni ka daadagay madaxwaynaheena.
Laakiin casharkaasi mawjado siyaasadeed ayuu kacshay, Raysal wasaarihii shaqaynayay ayuu galaaftay, banaanbaxyo badan ayaa laga sameeyay Muqdisho iyo meelo kale oo badan, dad badan ayaa ka niyad-jabay muuqaalka siyaasadeed ee uu keenay heshiiskii Kampala,  waayo waxaa lagu taamayay in kulankaasi ahaa kii ugu muhiimsanaa ee meesha looga wareejinayay labada Shariif ee aysan xirfadoodu gaarsiisnayn mid heer qaran ama caalamiba ah.

Dad badan waxay la yaaban yihiin sida fudud ee Madaxwaynuhu u kharashgareeyay Mudane Farmaajo,  oo u muuqda nin kana aqoon badan kana taageero badan madaxwaynaha.
Wararka Xamar ka imaanaya waxay sheegayaan in Mr Farmaajo caddaadis badan ugaga imaanayo dadka ku dhaqan Muqdisho oo taageero u muujiyay. Reer Muqdisho waxay rabaan in PMku sii jooggo oo uusan u hoggaansamin codsiga Madaxwaynaha, Dhinaca kale Beeshiisa iyo taageerayaashiisu waxay doonayaan Raysal wasaaruhu in xilka kaga tago si asluubaysan oo uusan noqon xoog la isticmaalay.
Ilaa hadda Mr Farmaajo si cad ugama hadlin Heshiiskii Kampala oo aan ka ahayn isagoo Muqdisho ugu mahadceliayay dadkii isaga u banaanbaxayay. Waxaa la hubaa oo kale in Mr Farmaajo iyo Madaxwaynuhu isku diyaarad ka soo raaceen Kampala, iyagoo wada qoslayana sallaanka diyaaradda ka soo wada degeen.
Xildhibaan Joogga Muqdisho oo magaciisa qariyay wuxuu sheegay in ugu dhawaan in PMku is-casilayo haddaan wax is-badalin.
Su'aalaha taagan waxay yihiin Suuragal ma tahay in Farmaajo uu soo giirto oo diiddo inuu is-casilo? Haddii Farmaajo ka madax-adaygo codsiga Sheekha sidee bay wax u ekaanayaan?

Haddii Farmaajo sidii qorshuhu ahaa uu is-casilo sideebay Madaxwaynaha iyo Af-hayeenka Baarlamaanku ugu heshiin doonaan raysal wasaaraha cusub iyo xulashadiisa, haddii lagu heshiiyo xulashada PMka cusub sidee loogu heshiin doonaa xulashada boosaska wasiirada cusub.
Waxaa xaqiiq ah oo la hubaa murugsanaanta iyo khilaafka labada Shariif inuu sii socon doonto,  oo ay lama huraan tahay in mar kale loo soo ordi doono dhinaca Museveni si casharkii labaad loo siiyo madaxdeena lagu khasaaray.
Tolow Casharka kan xigaa muxuu noqon doonaa?