Wednesday, June 15, 2011

LOOLLANKII OO SII XOOGAYSTAY

Sidii dad badan qiyaasayeen waxay noqotay inay ka dhex-tolanto Madaxwayne iyo Raysal wasaare Farmaajo,  oo u muuqday 10 cisho ka hor saxiibo siyaasadeed.   Shirarkii saxaafadeed ee sadexdii maalmood ee la soo dhaafay la isku dhaafsanayay meediyaha waxay u muuqdeen kuwo muujinaya in la isku cadaystay loollan siyaasadeed oo aan la saadaalin karin cidda ku guulaysanaysa.

Magaalada Muqdisho sida la xaqiijiyay waxaa maanta  kulan quraac ah ku yeeshay Madaxwaynaha iyo PMkiisa, kulankaas waxaa dalbaday baa la yiri Madaxwaynaha oo rabay inuu u jeediyo Mr Farmaajo codsigiisii ugu danbeeyay,  oo ah inuu is-casilo.   Wararku waxay tibaaxeen in Farmaajo ku gacan-sayray dalabkii Madaxwaynaha.
Madaxwaynuhu Wuxuu waday kulamo yar yar oo uu la sii yeelanayay beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Caasimada,  bal sidii haddii ay suuragal tahay caddaadis loo sii saari lahaa Mudane Farmaajo.

Waxaa kaloo dhinaca kale ka dhacay Muqdisho maanta kulan PMku la yeeshay ilaa 100 xildhibaan. Kulankaan waxaa lagu tilmaamay mid Raysal wasaaruhu kaga dalbanayay Xubnaha Baarlamaanka in looga danbi-dhaafo hadal deelqaaf ah oo ka dhacay Mr Farmaajo asbuuc ka hor,  mar uu meel fagaare ah ka yiri,  "Baarlamaanka 550 xubnood ah waxay naga rabaan inaanu xitaa kuwa Australia aaday aan lacag halkaas uga daba-gayno,  wax mushaar lama siinayo xildhibaankii aan imaan Muqdisho".
Kulankii maanta uu la yeeshay PMku xubnaha baarlamaanka wuxuu u muuqday mid la isku garaabay oo yara caawiyay Raysal wasaaraha.

Waxaa kaloo Muqdisho ka dhacay shir jaraa"id oo ay soo qabanqaabiyeen Mudanayaal ka tirsan qowmiyada Digil iyo Mirifle,  oo uu horboodayeen Xaabsade iyo Afaraale. Shir- saxaafadeedkaas waxaa lagu duray PMka, waxaana laga codsaday inuu u hoggaansamo shirkii Kampala. Waxaa farta lagu fiiqayaa Shariif Xasan inuu ka danbeeyay abaabulka kulankaas. Shariif Xasan  weli wuu ka aamusan yahay mowqifkiisa wixii ka danbeeyay Shirkii Kampala.   Shariif sakiin oo looga bartay nin sir badan oo taxadar-hadla ayaa joogga Dubai. Dadka aadka u yaqaan waxay leeyihiin Shariifku wuxuu u aamusan yahay inuu xaqiijiyo inay isku bas-beelaan labadii nin ee asbuuc ka hor rafiiqa ku ahaa Siyaasada.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu doonayo inuu ciyaaro kaarkii Cabdulaahi Yuusuf u ciyaaray Mudane Cali geeddi kol hore mar ay sidaan oo kale isku qabteen. Waagaas Cabdulaahi Yuusuf wasiiraddii isaga taageersanaa ayuu ku amray inay is-casilaan si Geeddi meel cidlaa loo joojiyo.
Laakiin maanta Farmaajo Kaarkaas wuu ka digay oo wuxuu xubnihii Baarlamaanka ee la qadeeyay u sheegay in Gollihiisaa wasiiradu yihiin Tiim isku si wax u fahamsan.
Bal aan dhawrno ninka ay la wareegto.

No comments:

Post a Comment