Wednesday, June 22, 2011

KADIB MR. FARMAAJO MAXAA XIGA?

Sidii la qiyaasayayba Mudane Farmaajo ayaamo waa is-adkeeyay laakiin wuxuu xamili waayay culays isa soo tarayay oo uga imaanayay Museveniga Ugandha,  oo si cid indhaha faraha uga galiyay PMka inuu is-casilo.   Asbuucii dhawaa Museveni wuxuu warqad digniin ah u soo diray Mr Farmaajo oo looga codsaday inuu xilka ka daadego sidii  uu qorayay heshiiskii Kampala.

Dhanbaalkaas amarka ah waxaa loo soo dhiibay Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Milatariga ee Uganda General Nyakirima.
Wararka ka soo baxayay Villa Somalia intuusan is-casilin Farmaajo waxay isku raaceen inuu General Nyakarima sheegay inuusan Muqdisho ka noqonayn ilaa uu qaadayo koobiga warqadda uu isku casilayo Mudane Farmaajo.   Wararku waxay sheegeen oo kale in markii hore uu PMku iska caabiyay cadaadiska Uganda laakiin uu aakhirkii uu u taagwaayay kadib markuu xaqiiqday in Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedku aysan dan ka lahayn haddii Farmaajo is casilo iyo haddii kalaba.
Aakhirkii waxay noqotay in Raysal wasaarihii uu isku-casilo 19/6/2011 shir jaraa'id oo ay wadaqabteen Madaxwaynaha.
Saacado kadib markii uu is-casilay ayaa Muqdisho laga dareemay khilaaf la saadaalinayay oo u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa la isku qabsaday baa la yiri cidda badalaysa Raysal wasaarihii is casilay. Madaxwaynuhu wuxuu u rabaa inuu sii wado xilka Raysal wasaarenimada Prof. Cabdiweli Gaas,  oo bare ka ahaa jaamacad ku taal Maraykanka, halka Shariif Xasan uu rabo inuu booskaas ku fariisiyo Prof. Juriile oo ah saxiibka dhaw ee afhayeenka.

Waxaa la sheegay in mar Madaxwaynaha iyo Afhayeenku ku heshiiyeen in Cabdweli Gaas si rasmi ah loogu magacaabo Raysal wasaarenimada.    Markii loo balamay subaxnimaddii 20/6/11 in meel madal ah Madaxwaynaha iyo guddomiyuhu kaga dhawaaqaan magacaabida,  ayaa si lama filaan waxaa la sheegay in af-hayeenku uga baxay madashii. Dad ka ag dhawaa madasha waxay sheegeen inuu Shariif Sakiin arkay Raysal wasaarihii hore Mr Farmaajo iyo Cabdiweli Gaas oo faqaya, taasi oo cabsi galisay Shariif Xasan in ciyaartii uu ka soo horjeeday aysan waxba iska badalayn.
Habeenimadii 20/6/11 ayaa madaxwaynuhu wuxuu ic-laamiyay kulan uu la yeelanayay xubnaha baarlamaanka uga jira beesha Daarood. Kulankaasi wuxuu dhacay subaxnimaddii 21/6/11, waxaana Madaxwaynuhu u caddeeyay kana codsaday xildhibaanada ka soo jeedda beesha Daarood inay ku taageeraan magacaabida Cabdiweli Gaas.

Loollan badan ka dib,  wararka xalay ilaa saakay ka imaanayay Muqdisho waxay tibaaxayaan in lagu heshiiyay xilka Raysal wasaarenimada, waxaa kale oo wararka ka soo baxaya Villa Somalia sheegayaan in Prof. Cabdiweli Gaas loo magaacbi doono jagada Wasiirka Koowaad maalinta khamiista ah, Haddii aan maskaxda Madaxwaynaha aan waayo-araga ahayn la bdalin daqiiqadaha ugu danbeeya.
Dadka u dhuun daloola siyaasada waxay sheegayaan inuusan khilaafkii Shariifyadu halkaas ku dhamaan ee ay weli isku haystaan tirada wasaaradaha iyo xubnaha gollaha wasiirada. madaxwaynuhu wuxuu rabaa in gollaha wasiirada loo daayo sida hadda ay tahay ama isbadal yar lagu sameeyo halka af-hayeenku ku doodayo in ama la badiyo gollaha wasiirada ama in xilalka wasaaradaha hadda jira la siiyo taageerayaashiisa sida Prof. Juriile, Mr Jengeli iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

No comments:

Post a Comment