Maalin ka hor heshiiskii muranka dhaliyay ee Kampala, Yuweri Museveniga Uganda wuxuu Sheekh Shariif, oo aan lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed, baray cashar markiiba ka daadagay Madaxwaynaha ahaan jiray Macallin madarasadeedka. Museveni intuu jaleecay dhinicii Sheekh Shariif ayuu waydiiyay in Madaxwaynuhu awoodo inuu doorasho u tartamo ama inuu baarlamaanka Soomaalida Taageero ka heli karo.
Sheekh Shariif si saraaxad leh ayuu ugu jawaabay inuusan u diyaar ahayn inuu tartamo maadaama uusan baarlamaanka taageero la taaban karo ka haysan.
Markaas buu Museveni qaatay jeestadii iyo sabuuradii oo u sheegay in siyaasadu markay margato la qaato formulada ah "Bixi oo qaado". Wuxuu baray Sheekh Shariif inaysan ahayn inuu meel isaga dheganaado oo ay tahay inuu waxna ka tago waxna qaato oo macnaheedu noqday in loo dheereeyo waqtiga muddo hal sanno ah, halka ay tahay inuu ku kaarto-baxo Raysal wasaarihiisa Mr farmaajo, oo booskiisa ay tahay in la siiyo taageerayaasha Guddoomiyaha baarlamaan Shariif Xasan.
Sheekhu intuu yara aamusay buu celiyay inuu ka fiirsanayo. Taasi waxay ahayd calaamad muujisay inuu casharkii Museveni ka daadagay madaxwaynaheena.
Laakiin casharkaasi mawjado siyaasadeed ayuu kacshay, Raysal wasaarihii shaqaynayay ayuu galaaftay, banaanbaxyo badan ayaa laga sameeyay Muqdisho iyo meelo kale oo badan, dad badan ayaa ka niyad-jabay muuqaalka siyaasadeed ee uu keenay heshiiskii Kampala, waayo waxaa lagu taamayay in kulankaasi ahaa kii ugu muhiimsanaa ee meesha looga wareejinayay labada Shariif ee aysan xirfadoodu gaarsiisnayn mid heer qaran ama caalamiba ah.
Dad badan waxay la yaaban yihiin sida fudud ee Madaxwaynuhu u kharashgareeyay Mudane Farmaajo, oo u muuqda nin kana aqoon badan kana taageero badan madaxwaynaha.
Wararka Xamar ka imaanaya waxay sheegayaan in Mr Farmaajo caddaadis badan ugaga imaanayo dadka ku dhaqan Muqdisho oo taageero u muujiyay. Reer Muqdisho waxay rabaan in PMku sii jooggo oo uusan u hoggaansamin codsiga Madaxwaynaha, Dhinaca kale Beeshiisa iyo taageerayaashiisu waxay doonayaan Raysal wasaaruhu in xilka kaga tago si asluubaysan oo uusan noqon xoog la isticmaalay.
Ilaa hadda Mr Farmaajo si cad ugama hadlin Heshiiskii Kampala oo aan ka ahayn isagoo Muqdisho ugu mahadceliayay dadkii isaga u banaanbaxayay. Waxaa la hubaa oo kale in Mr Farmaajo iyo Madaxwaynuhu isku diyaarad ka soo raaceen Kampala, iyagoo wada qoslayana sallaanka diyaaradda ka soo wada degeen.
Xildhibaan Joogga Muqdisho oo magaciisa qariyay wuxuu sheegay in ugu dhawaan in PMku is-casilayo haddaan wax is-badalin.
Su'aalaha taagan waxay yihiin Suuragal ma tahay in Farmaajo uu soo giirto oo diiddo inuu is-casilo? Haddii Farmaajo ka madax-adaygo codsiga Sheekha sidee bay wax u ekaanayaan?
Haddii Farmaajo sidii qorshuhu ahaa uu is-casilo sideebay Madaxwaynaha iyo Af-hayeenka Baarlamaanku ugu heshiin doonaan raysal wasaaraha cusub iyo xulashadiisa, haddii lagu heshiiyo xulashada PMka cusub sidee loogu heshiin doonaa xulashada boosaska wasiirada cusub.
Waxaa xaqiiq ah oo la hubaa murugsanaanta iyo khilaafka labada Shariif inuu sii socon doonto, oo ay lama huraan tahay in mar kale loo soo ordi doono dhinaca Museveni si casharkii labaad loo siiyo madaxdeena lagu khasaaray.
Tolow Casharka kan xigaa muxuu noqon doonaa?
No comments:
Post a Comment