Raysal wasaare Farmaajo wuxuu kulankii ugu horeeyay ee gollihiisa wasiiradu yeesheen muujiyay inuusan si fudud ku tagayn, ee ay tahay in Baarlamaanka laga xalaaleeyo heshiiskii Kampala. Waxaa shirkii gollaha wasiirada ka soo baxay dhawr qodob oo kan ugu waaqicisan waqtigaan uu ahaa mowqifka Dowladda iyo PMka ee shirkii Kampala. Dowladu waxay sheegtay in Raysal wasaaruhu is-casili doono haddii qodobada heshiiskaas ay ansixiyaan baarlamaanka aan la isku halayn karin.
Waxaa halkaas ka muuqatay Saalbadii ugu horaysay ee uu u rido Mr Farmaajo, laakiin jawaabtu wuxay timid markii shalay(12/06/2011) subaxnimadii Madaxwayne Sheekh Shariif shir saxaafadeed ku qabtay Madaxtooyadda Villa Somalia. Dad aad ugu dhuun-daloola madaxtooyada waxay sheegeen in nus saac ka hor xafiiska Madaxwaynaha uu soo galay Mudane Farmaajo. Kulankaas koobnaa ayaa la sheegay in Sheekh Shariif handadaad iyo weerar afka ah inuu kala hortagay Raysal wasaarihiisa, wararkaasi intaas waxay ku dareen in madaxwaynuhu PMka ka dalbaday inuu si degdeg ah uga baxo xafiiska Madaxwaynaha.
Wax yar ka dibna Madaxwaynuhu shirkii Jaraaid buu qabsaday. Arrinta ugu yaabka badan ee Madaxwaynuhu shirkaas ka sheegay waxay ahayd in Madaxwaynuhu qirtay in isaga iyo Shariif Xasan ay si sharciga ka baxsan u marsiiyeen Mr Farmaajo baarlamaanka markii kalsoonida loo qaadayay. Madaxwaynuhu weerar aan gabasho lahayn ayuu ku qaaday Raysal wasaaraha, oo uu ku amray inuu u hoggaansamo Shirkii Kampala.
Halkaas waxaa noo kala cadaatay in loollan uu hadda ka dhex aloosan yahay Madaxwaynaha iyo PMka taageerada sii naxuusaysa ka haysta Magaalada Muqdisho.
Xamar waxaa laga soo warinayaa in Madaxwaynuhu Villa Somalia uu ku qabtay 3 shir tan iyo intii uu ka soo noqday Kampala. Shirka koowaad wuxuu la yeeshay urur-diimeedka uu madaxwaynuhu ka soo jeedo ee la yiraahdo Aala-sheekh. Shirkaas wuxuu xertiisa u bayaamiyay inay muhiim tahay inuu kursigiisa badbaadsado, ayna tahay uu ka taqaluso Raysal wasaare Farmaajo. waxaa la soo weriyay in shirkaas la isku raacay.
Shirka labaad wuxuu Madaxwaynuhu la yeeshay xubno ka tirsan odoyaasha beelaha Hawiye. Waxaa la soo tebiyay in Madaxwaynuhu ku canaantay odoyaasha beelaha inay khalad tahay in Xamar jidadkeeda lagu jeexjeexo masirka Madaxwayne Shariif, halka wiil ka soo jeedda Geddona lagu dhex wato sawiradiisa Muqdisho. Shirkaas waxaa la sheegay in markii Madaxwaynuhu u isticmaalay Farmaajo Kaarka qabyaaladda inay odoyaashii Shirka joogay u qashuuceen hadaladii Madaxwaynaha.
Shirka sadexaad waxaa Madaxwaynuha la yeeshay kooxo dhallinyaro ahaa oo laf-dhabar u ahaa banaanbaxyaddii Muqdisho ka dhacay, ee lagu taageerayay Mr Farmaajo inuusan is-casilin. Wararka ka soo baxayay Villa Somalia waxay cadaynayeen in dhallinyarada qaarna laga codsaday inay joojiyaan abaabulka banaanbaxyo kale, qaar dhallinyarada ka mid ahna loogu hanjabay in tilaabo laga qaadi doono, halka qaar kale gacmahooda la mariayay dufan.
Wararka Xamar maanta ka soo baxayay waxay sheegayaan inay istaageen banaanbaxyaddii lagu taageersanaa Raysal wasaaruhu inuusan u debcin heshiiskii Kampala.
Waxay u muuqataa in waqtigan xaadirka ah mudane Farmaajo ay afka ku soo kala hayso haaddaan aad u wayn oo ay adag tahay inuu ka tilaabsado. Wuxuu dareensan yahay taageerada reer Muqdisho u muujiyeen dhawr beri ka hor inaysan ahayn mid la isku halayn karo, wuxuu kaloo dareensan yahay inuusan ahayn ruug caddaa siyaasadeed oo u babac-dhigi kara mowjadaha qabyaaladeed ee siyaasada Somalia, maadaama uu ahaa nin inta badan Qurbo-joog ah.
Labo wado ayuu mari karaa Mr Farmaajo tan koowaad inuu isa sii adkeeyo dhawrkaan berri ee soo socota ilaa wada-tashi loogu yeero mid ka mid ah caasimadaha wadamada deriska si halkaas uu uga helo formulada karaamo-dhawrka.
Wadada labaad ee u furan Farmaajo waxay noqon kartaa inuu caddaysto loollankiisa iyo mowqifkiisa ah inuusan is-casilayn. Markaas waxaa imaanaysa in howluhu isku dhalaalaan oo uu yimaado is-marinwaa siyaasadeed oo horseeda jahawareer ku yimaada Dowladda iyo bulshada Caalamka.
Madaxwaynaha xerowga ahna waxay noqon doontaa inuusan ka xishoon inuu oday Axmed Diiriye shir saxaafadeed la qabto oo uu ka dalbo odayga inuu kor u qayliyo.
Bal aan dhawrno lama saadaalin karee!
No comments:
Post a Comment